Tababaraha xulka Spain oo shaaciyay laacibka uu ugu deeqay xiddiga ugu fiican aduunka (Messi mise Ronaldo)

lopetegui

(Madrid) 25 Nov 2016 Tababaraha xulka qaranka Spain ee Julen Lopetegui ayaan la ganban inuu sheego laacibkii iyo tababarihii uu u codeeyay abaal marinta FIFA ee la bixin doono 9-ka Janaayo.

Julen Lopetegui ayaa sheegay in codkiisa koowaad uu siiyay Lionel Messi, wuxuuna codkiisa labaad siiyay Ronaldo isaga oo booska 3-aad u sharaxay Sergio Ramos.

Dhanka tababareyaashana wuxuu sheegay inuu booska koowaad siiyay Luis Enrique, halka booska labaad uu siiyay Zidane isaga oo booska 3-aad galiyay Simeone.

messi-ronaldo-cropped_17sbciuehat201799l3b1tqxmn (1)

“Ma garanayo laacib ciyaara kubadda cagta oo aan Messi ahayn, ma arag isaga oo kale, mana rumaysni inaan arki doono laacib sidiisa oo kale u ilaalinaya heerkiisa” ayuu u sheegay idaacada Cadena Cope.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close