Messi oo ku guulaystay laacibkii ugu fiicnaa ee kulamadii la ciyaaray Champions League isbuucaan

(Barcelona) 25 Nov 2016 Xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa loo doortay laacibkii ugu fiicnaa kulamadii la ciyaaray Champions League ee isbuucaan.

Messi ayaa ku hogaamiyay kooxdiisa guul ay ka gaartay kooxda Celtic, wuxuuna ahaa dhaliyihii labadii gool ee Barca ay uga adkaatay dhigeeda Celtic.

Laacibka reer Argentina ayaa sidaas ugu soo saaray kooxdiisa wareega 16-ka ee koobka horyaalada yurub isaga oo ka caawiyay kooxdiisa inay ku dhamaysato booska koowaad ee guruubkooda.

UEFA ayaana u dooratay Lionel Messi inuu yahay laacibkii ugu fiicnaa ee kulamadii la ciyaaray isbuucaan Champions League.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close