Kostas Manolas oo dib ugu soo laaban doona Roma kulanka Lazio

(Roma) 25 Nov 2016 Waxaa la qorsheeyay in daafaca kooxda Roma ee Kostas Manolas uu dib ugu soo laabto kooxda kulanka ay la ciyaari doonaan kooxda Lazio 4-ta December.

Laacib kaan ayaa dhaawac dartiis looga reebay saacadihii ugu danbeeyay ee ka hor kulankii Europa League ay kooxdu 4-1 uga adkaatay Viktoria Plzen.

Manolas ayaa la sheegay inuu dhaawac fudud ka soo gaaray muruqa, waxaana muuqata in dhaawiciisu uusan ahayn mid halis ah sida ay baahisay Football Italia.

Manolas

25 jirkaan ayaa la filayaa inuu seego kulanka kooxdiisu ay la ciyaari doonto axada kooxda Pescara taxadar laga qabo dhaawiciisa dartiis, wuxuuna dib ugu soo laaban doona shaxda kooxda kulanka xiga ee Lazio.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close