Juventus oo wax kabadan 6-milyan aan ku bixi doonin saxiixa Axel Witsel

(Torino) 25 Nov 2016 Wararka ka imaanaya talyaaniga ayaa sheegaa in kooxda Juventus aysan kor u qaadi doonin heshiiskii ay kula wareegi rabtay Axel Witsel suuqii xaggaaga.

Heshiiska laacibka reer Belgium uu ugu biiri rabay Juventus ayaa burburay daqiiqadihii ugu danbeeyay ee suuqii xaggaaga taas oo keentay inuu iska sii joogo kooxdiisa Zenit.

Balse maamulka Juventus ayaa sheegay inaysan bixin doonin wax kabadan lacagtii ay kula soo wareegi rabeen xiddiga suuqii xaggaaga taas oo ahayd 6 milyan oo euro sida ay baahisay shabakada Quotidiano.net.

يوفنتوس لن يُضيع الكثير من الوقت لأجل فيتسل

Axel Witsel ayaa u furan inuu katago Zenit bisha janaayo maadama laacibku uu si bilaash ah uga tagi karo kooxdiisa dhamaadka xiliciyaareed kan.

Juventus ayaana ku dadaalaysa sidii ay bisha janaayo ku dhamaystiri lahayd saxiixa Axel Witsel, waxayna diyaar la yihiin kaliya 6-milyan oo euro.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close