“Haddii aan ahaan lahaa James kama tageen Real Madrid” – Zidane oo talo siiyay laacibka reer Colombia

Photo published for VIDEO: James Rodriguez Displays Very Poor Attitude From Madrid's Bench During Champions League Match

(Madrid) 25 Nov 2016 Tababaraha kooxda Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa talo muhiim ah siiyay laacibka reer Colombia ee James Rodriguez.

Zidane ayaa si qoto dheer uga hadlay xaalada James Rodriguez ka hor kulanka Sporting Gijon ee barri, wuxuuna sheegay inuu ciyaari doono.

Tababaraha reer France ayaa sheegay inuusan ka tagi lahayn Real Madrid haddii uu ahaan lahaa James Rodriguez, warkaas ayaana ka danbeeyay kadib markii la baahiyay in laacibku uu ku fikirayo ka tagista Real.

“James waa diyaar inuu ciyaaro barri, xaalkiisu wuxuu la mid yahay ciyaartoyda kale ee kooxda” ayuu yiri tababare Zinedine Zidane.

“Haddii aan ahaan lahaa James kama tageen Real Madrid, waxaan sii joogi lahaa kooxdaan wayn, waxaanan heli lahaa fursad daqiiqado ah”.

“Kulamadii la soo dhaafay ma ahayn kuwo u furnaa in James uu ciyaaro balse waxaa ciyaaray ciyaartoy kale kuwaas oo soo muujiyay qaab ciyaareed fiican, laakiin wuxuu heli doonaa fursadiisa waayo waa laacib wayn”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close