DEG DEG: Banaadir oo ka adkaatay Elman, siina xajisatay hogaanka horyaalka

15232127_1108320079245687_2048396228208761911_n

(Muqdisho) 25 Nov 2016 Kooxda Banaadir ayaa guul muhiim ah ka gaartay dhigeeda Elman kulan ka tirsanaa horyaalka heerka koowaad ee dalkeena Soomaaliya.

Banaadir ayaa hogaanka ciyaata qabatay kadib markii uu rigoore u dhaliyay xidigooda Marcel, isla laacib kaan ayaana u dhaliyay goolka labaad qaybtii hore ee ciyaarta.

Laakiin Elman oo dadaashay ayaa soo celisay hal gool qaybtii hore ee ciyaarta, waxaana u dhaliyay xiddigooda Maxamed Marshal kaas oo ka dhigay ciyaarta 2-1.

Qaybtii hore ayaa lagu kala nastay 2-1, laakiin labada kooxoodba waxba kama badalin natiijadaas qaybtii dambe ee ciyaarta.

Natiijadaan ayaa ka dhigaysa in Banaadir ay hogaanka ku hayso 6-dhibic kadib markii ay muqdisho United ka soo adkaatay kulankii furitaanka.

Gool FM

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close