Tababaraha Talyaaniga Ventura oo qiray inuu wada hadallo toos ah la yeelanayo Balotelli si uu xulka ugu soo celiyo

3837f22d00000578-0-image-a-15_1474156891242

(Rome), 24 Nof 2016  –Macallinka Xulka Qaranka Talyaaniga Giampiero Ventura ayaa shaaca ka qaaday in uu wada hadallo la yeelan doono Weeraryahanka kooxda Nice Mario Balotelli taas oo lagu gorfaynayo sidii xiddiggan loogu qancin lahaa inuu dib ugu soo laabto xulka Azzurri.

Heerka ciyaareed ee Balotelli ayaa soo hagaagay tan iyo markii uu amaah ahaan ugu soo wareegay kooxda Nice xilli ciyaareedkan taas oo  tababare Ventura ku dhalisay fikirka ah sidii Mario dib loogu yeeri lahaa ka hor inta uusan magacaabin ciyaartoyda xulka Bisha Maarso.

“Balotelli ma ahan ciyaartooy loogu talo galay Xerada tababarka, waxaan ka hadlaynaa ciyaaryahan ciyaaray Koob Adduun” ayuu Ventura ka sheegay shir jaraa’id.

“Waxaan doonayaa in aan la hadlo (Mario) laga bilaabo haatan illaa bisha Maarso, waxaan waqti u heli doonaa sidii aan ugu tegi lahaa oo aan shaqsiyan usoo arki lahaa, haddii aan arrinta isla fahannana waxaa loo  arki doonaa sida ciyaartoyda qaranka oo kale” ayuu yiri tababare Ventura.

Balotelli waxa uu dhaliyay 6 gool Horyaalka Ligue 1 ee Faransiiska xilli ciyaareedkan isagoo Nice ka caawiyay in ay sal dhigato kaalinta 1′ ee kala sarreynta kooxaha horyaalka dalkaas.

Dhinaca kale labadii sano ee uu tababare Antonio Conte hayay hoggaanka macallinimo ee Italy ayaa waxaa mar loo yeeray Balotelli waloow uu ku haboonaan waayay qorshaha Conte.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close