RASMI: Steven Gerrard oo ka fariistay kubadda cagta

(London) 24 Nov 2016 Halyeeyga reer ingiriis ee Steven Gerrard ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu isaga fariistay kubadda cagta kadib 19 sano oo uu ku soo guda jiray.

Steven Gerrard oo maalmo ka hor shaaciyay inuu katagay kooxda Los Angeles ee dalka maraykanka ayaa haatan ku dhawaaqay inuu ka fariistay kubadda cagta.

Gerrard ayaa saftay 863 kulan 19-kii sano ee uu ku soo guda jiray xirfadiisa, 710 wuxuu u saftay Liverpool, 114 wuxuu u saftay xulka ingiriiska, 39 kulana wuxuu u saftay Los Angeles.

36 jirkaan ayaa dhaliyay 212 gool intii uu ku soo guda jiray xirfadiisa kubadda cagta, wuxuuna 9-koob la qaaday kooxdiisii hore ee Liverpool.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close