Qiimeynta FIFA ee xulalka Adduunka oo la soo saaray, Brazil oo markaan ka sare martay xulka heysta koobka Adduunka ee Germany

(World) 24 Nof 2016- Waxaa la soo saaray qiimeyntii ugu dambeysay FIFA ee xulalka adduunka xulka Argentina ayaana markale hoggaanka u haya, iyadoo Brazil ay iyana booska kaalinta labaad ka bedeshay xulka haysta Koobka Aduunka ee Germany.

Xulka heysta Copa America ee Chile ayaa sameeyay sare u kac waxayna soo gaareen kaalinta afaraad, xulka Belgium ayaana ku jirta booska shanaad, halka xulka Colombia uu ku jirto  kaalinta lixaad.

Xulka koobka Euro 2016 heysta ee Portugal ay fadhiya kaalinta 8-aad halka xulalka England iyo Italy ay ku kala jiraan 16-aad iyo 13-aad sida ay u kala horeeyaan.

Azzurri ayaana saddex boos hoos uga dhacday halkii ay ku jireen qiimeyntii hore, wuxuuna xulka Talyaanigu ku jiraa kaalinta 13-aad.

Xulalka qaranka dalkeenna Soomaaliya iyo Djabouti ayaa iyaguna kaalimaha hoose ka hoggaaminaya qiimeyntan waxaana ay ku jiraan kaalinta 205-aad.

EEG LIISKA 10-KA SARE:

cya72ciw8aeeo64

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close