“Qaladaadkeena ayeey nagu ciqaabeen” – Philipp Lahm oo ka hadlay guul daradii FC Rostov

(Munich) 24 Nov 2016 Kabtanka kooxda Bayern Munich ee Philipp Lahm ayaa ka hadlay guul daradii xalay kooxdiisa ka soo gaartay koobka horyaalada yurub.

Bayern ayaa u soo gudubtay wareega 16-ka ee Champions League inkasta oo loogu awood sheegtay 3-2 kulan ka dhacay dalka ruushka.

Philipp Lahm ayaa sheegay in kooxdiisu ay doonaysay inay guul gaarto balse wuxuu cadeeyay in Rostov ay ku ciqaabtay qaladaad ay sameeyeen.

“Waxaan doonaynay inaan guul ku soo gaarno Ruushka, laakiin waan ku fashilanay, waxay ahayd inaan ogaano in Rostov ay gool dhalin karto waqti walba” ayuu yiri dhamaadkii ciyaarta.

“Waxaa nalagu ciqaabay qaladaadkii aan samaynay, qaladaad badan ayaan samaynay intii ay socotay ciyaarta, mana garanayo sababta ay sidaasi u dhacday”.

“Waa inaan ka gudubnaa qaladaadkaas iyo saamaynta ay nagu reebtay guul daradaan waqtiga ugu dhaqsiyaha badan”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close