KA BOGO: Kala sarreynta gool dhalinta iyo gool caawinta Champions League ee xilli ciyaareedkan

(Yurub) 24 Nof 2016 – Kulammadii shanaad ee heerka guruubyada Champions League ayaa xalay la ciyaaray, haddaba waxaan eegeynaa halka la kala marayo gooldhalinta iyo gool caawinta tartanka Champions League ee xilli ciyaareedkan.
GOOL DHALINTA:-
Weeraryahanka xulka qaranka Argentina iyo kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa sii dheereystay xalay hoggaanka gooldhalinta koobka horyaalladda Yurub ee xilli ciyaareedkan, kaddib markii uu labo gool ka dhaliyey kooxda Celtic.
Messi waxa uu xalay dhaliyey goolkiisii 9-aad ee Champions League xilli ciyaareedkan, waxaana uu afar gool ka sarreeyaa weeraryahanka kooxda Paris Saint-Germain ee Edinson Cavani kaasoo isna xalay naadiga Arsenal ka dhaliyey goolkiisii 5-aad ee Champions League xilli ciyaareedkan kuna jira kaalinta labaad.
Riyad Mahrez (Leicester), Mesut Özil (Arsenal) iyo Robert Lewandowski ayaa ku wada jira kaalinta saddexaad ee kale horreynta gooldhalinta Champions League ee xilli ciyaareedkan, waxaana saddexdan ciyaaryahan ay wadaagaan oo ay leeyihiin min 4 gool.
Haddaba halkaan hoose ka eeg sida loo kala sarreeyo gooldhalinta Champions League ee xilli ciyaareedkan:-
Lionel Messi (Barcelona) 9 gool
Edinson Cavani (Paris) 5 gool
Riyad Mahrez (Leicester) 4 gool
Mesut Özil (Arsenal) 4 gool
Robert Lewandowski (Bayern) 4 gool
Theo Walcott (Arsenal) 3 gool
Arkadiusz Milik (Napoli) 3 gool
Joshua Kimmich (Bayern) 3 gool
GOOL CAAWINTA:-
Dhinaca kale haddii aynu eegno sida loo kala sarreeyo gool caawinta Champions League ee xilli ciyaareedkan, waxaa hoggaaminaya weeraryahanka kooxda Barcelona ee Neymar Jr kaasoo Champions League xilli ciyaareedkan ka sameeyey 7 gool caawin.
Neymar ayaa noqonaya xiddigii ugu horeeyay ee 7 caawin ka sameeya wareegga guruubyada Champions League, laakiin xiddiga Barcelona waxba kuma dari doono caawintaas, madaama uu ganaax ku seegayo kulanka ugu dambeeya wareegga guruubyada ee ay la ciyaarayaan kooxda Borussia Monchengladbach.
Haddaba halkaan hoose ka eeg sida loo kala sarreeyo gool caawinta Champions League ee xilli ciyaareedkan:-
Neymar (Barcelona) 7 caawin
Ousmane Dembélé (Dortmund) 4 caawin
Eduardo Salvio (Benfica) 4 caawin
Cristiano Ronaldo (Real Madrid) 4 caawin
David Alaba (Bayern) 3 caawin
Ricardo Quaresma (Beşiktaş) 3 caawin
Luis Suárez (Barcelona) 3 caawin
Lucas Pérez (Arsenal) 2 caawin
Gool FM.