Jeenyo iyo Heegan oo isku garab dhacay

je

(Muqdisho) 24 Nof 2016. Kooxaha LL.PP. Jeenyo iyo Heegan ayaa isla dhaafi waayay bar-baro 1-1 kulan ka tirsanaa horyaalka Soomaaliya ee xilli ciyaareedka cusub.

Qeybtii hore ee dheesha ayaa lagu kala nastay 1-0 oo ay ku hogaamineyso Jeenyo.

Dhaliyahooda cusub ee Shaarkeey ayaa gool madaxa ugu dhaliyay.

Laakiin nasiib darro afartii daqiiqo ee lagu daray ciyaarta ayaa waxaa goolka ka bar-bareeyay Cawaale.

Labada kooxood ayaa wada raadinaya guushoodii ugu horreeysay ee kal ciyaareedkan cusub maadaama Heegan laga soo adkaaday kulankii furitaanka halka ay bar-baro soo gashay Jeenyo kulankoodii furitaanka.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close