DEG DEG: Gareth Bale oo seegi doona El-Clasico, (Imisa ayuu maqnaan doonaa?)

(Madrid) 24 Nov 2016 Kooxda Real Madrid ee dalka Spain ayaa shaacisay xaalada dhaawac ee laacibkeeda Gareth Bale kadib dhaawicii ka soo gaaray kulankii Sporting Lisbon.

Real oo war ka soo saartay dhaawaca Gareth Bale ayaa shaacisay in laacibku uu mari doono qaliin dhanka anqawga ah, waxaana la isku raacay in laacibku uu maqnaan doono 2 ilaa 3 bilood,

Gareth Bale ayaa qaliinka ku mari doona caasimada ingiriiska ee London talaadada nagu soo aadan ee isbuuca dambe.

“Waxaa la go’aamiyay in Gareth Bale uu maro qaliin dhanka anqawga ah kadib dhaawicii ka soo gaaray kulankii Sporting Lisbon” ayaa lagu yiri war ka soo baxay Real Madrid.

“Qaliinka wuxuu ku mari doonaa isbitaalka King Edward-daha 7-aad ee magaalada London, maalinta talaadada, taariikhduna tahay 29-ka November, waxaana qaliinka ku samayn doona Dr James Calder, waxaana goob joog ka ahaan doona dhaqaatiirta kooxda ee kala ah Jesus Olmo iyo Mikel Aramberri”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close