Obama “Michael Jordan wuu ka weyn yahay sawir yar oo Internet-ku ku maadsado”

cx5sfwcwgaal_18

(Washington), 23 Nof 2016  –Madaxweynaha waddanka Mareykanka Barack Obama ayaa markii ugu dambeysay ka hor inta uusan ka tegin Aqalka Cad ee Mareykanka waxa uu xalay Abaalmarinta Xoriyadda ‘Medal of Freedom’ guddoonsiiyay shaqsiyaad Mareykanka wax ku soo kordhiyay oo isugu jira Ganacsato, Fannaniin, Atoorayaal, Weriyeyaal, Ciidan iyo Ciyaartooy.

Xafladdan oo aad u heer sarreysay ayaa Madaxweynaha talada Mareykanka ka sii degaya dadka uu billadda u xiray waxaa ka mid ahaa Milkiilaha Shirkadda Microsoft ahna Maalqabeenka ugu dhaqaalaha badan caalamka Bill Gates, Atooreyaal ay ka mid yihiin; Cicely Tyson, Tom Hanks iyo Robert De Niro iyo weliba ciyaartooy Kubadda Koleyga magac dheer ku lahaa sida Kareem Abdul-Jabbar iyo Michael Jordan.

Fanaanadda Dianna Ross oo  72 jir ah iyo Gabadha Barnaamij Telefishineedka daadihisa ee Ellen Degeneres ayaa ka mid ahaa dadka loo xiray billad Madexeedka Xoriyadda ee 21-aad.

Obama ayaa isagoo kaftamaya waxa uu yiri “Michael Jordan (MJ) waa uu ka weyn yahay sawir yar oo lagu maadsado oo isagoo ooynaya la soo dhigay Internet-ka, qof walba wuu garanayaa Jordan hal MJ ayaa jira waana midkan howshiisa si wacan u gutay”.

Sawirka Jordan ooynaya ayaa waxaa sanadkii 2009 qaaday Steven Savoia oo ka tirsan AP waxaana isla markiiba inta photoshop lagu hagaajiyay uu noqday mid ka mid ah sawirrada dareenka ka tarjumaya ee Social Media la isku dhaafsado waxaana loo bixiyay ‘The Crying MJ’.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close