Maxaa ka jira in Pepe uu heshiis cusub u saxiixay Real Madrid?

(Madrid) 23 Nov 2016 Daafaca kooxda Real Madrid ee Pepe ayaa la sheegay inuu heshiis cusub qalinka ugu duugay kooxdiisa sida ay baahisay Mirror.

Wargayska ka soo baxa ingiriiska ayaa daaha ka qaaday in daafaca reer Portugal uu qalinka ugu duugay Real Madrid heshiis 2 sano ah.

Qandaraaska xiddigaan ayaa ku eg dhamaadka xiliciyaareed kan, waxaana la sheegay in laacibku uu iska diiday dalabyo badan oo uga yimid horyaalka ingiriiska.

pepe

Pepe ayaa sharci u leh inuu wada xaajood lagalo kooxdii uu doono bisha janaayo, laakiin Real oo ka hortagaysa arinkaas ayaa la sheegay inay ka saxiixday heshiis laba sano ah.

Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay Real Madrid kaas oo ku aadan heshiis kordhinta Pepe laakiin waxaa jira in kooxdu ay heshiisyo cusub ka saxiixday ciyaartoy ay ka midyihiin Ronaldo iyo Bale.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close