Champions League: Napoli iyo Dynamo Kiev oo gool la’aan ku kala baxay iyo Besiktas iyo Benfica oo goolal isla eg ku kala tegay

proxy

(Napoli), 24 Nof 2016   –Kooxda Kubadda Cagta Napoli ayaa lumisay fursad qaali ah oo ay ugu soo bixi kartay Wareegga 16′ dhammaadka koobka Horyaallada Yurub markii xalay ciyaar ay garoonkeeda San Paolo ay 0-0 isla dhaafi waayeen kooxda Dynamo Kiev ciyaar ka tirsanayd qaybta (B), waloow Kiev ay sidaasi uga hartay gebi ahaanba tartankan.

Isla qaybtan ayaa Besiktas oo gurigeeda Istanbul ku ciyaaraysay waxay 3-3 isku mari waayeen kooxda Benfica ee Portugal, iyadoo kala baxa group-kan iyo ciddii u soo gudbi doonta wareegga 16′ la ogaanayo kulanka soo socda.

Dhinaca kale kulanka xiga ee Napoli ay u safri doonto Lisbon si ay ula soo ciyaarto Benfica 06/12/2016 ayaa aad muhiim u ah si ay u xaqiiqsato in u soo gudbitaankeeda kulammada 16’ka waloow qaybtan (B) aad la isaga daba dhow yahay oo rajadu u wada siman yihiin Napoli, Benfica iyo Besiktas.

dddd

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close