Champions League: Barcelona iyo Man City oo u soo gudubay Wareegga 16 iyo Messi oo Rikoor cusub dhigay

leoo

(Glasgow), 24 Nof 2016  –Weeraryahanka Xulka Reer Argentine Lionel Messi iyo kooxdiisa Barcelona ayaa si xarago leh ugu soo gudbay wareegga 16 dhammaadka Koobka Horyaallada Yurub (UEFA Champions League), kaddib markii xalay ay 2-0 kaga adkaadeen kooxda Celtic ciyaar ka tirsanayd Qaybta (C).

Labada gool ee Barcelona ayaa waxaa u wada dhaliyay wiilka lagu bartay shabaq kubbad dhex dhigidda ee Lionel Messi daqiiqadihii 24′ iyo 56′, goolashaas oo ka caawiyay in Barcelona u soo baxdo wareegga xiga ee 16′.

Celtic ayaa guuldarradani ay dhigtay kaalinta ugu dambeysa Group-kan iyadoo sidaasina kaga hartay Horyaallada Yurub.

Dhaliye Messi ayaa 4 kulan oo is aragga Group-yada Champions League waxa uu dhaliyay 9 gool, isagoo 2 caawimaad oo gool noqotayna saaxiibadiis u dhiibay.

Leo Messi ayaa rikoor kale tiigsaday kaasoo ah in uu 100′ gool oo tartammada Caalamiga ah uu u dhaliyay kooxdiisa Barcelona.

Haddii si kale loo dhigo Lionel Messi ayaa Barcelona xilli ciyaareedkan 15 kulan u dhaliyay 18 gool.

Dhinaca kale Ciyaar kale oo iyana xiiso gaar ah lahayd oo ka mid ahayd isla qaybtan ayaa waxaa Borussia Moenchengladbach iyo Manchester City ay isku mari waayeen 1-1.

Goolka Borussia waxaa daqiiqaddii 23′ u dhaliyay Raffael, waloow Man City uu u bar barreeyay David Silva daqiiqaddii 45′, inkastoo Kaarka Cas loo taagay laba ciyaartooy oo labada dhinac ah 51′ Stindl (Borussia) iyo 63′ Fernandinho (Man City), waxaana Man City ay Barcelona ku wehlisay u soo gudbitaanka wareegga 16′ ee Champions League.

dddd

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close