Benzema oo u jawaabay dadka eedeynaya

(Madrid) 23 Nov 2016 Weerar yahanka kooxda Real Madrid ee Karim Benzema ayaa u jawaabay dadka eedeynaya kadib guushii uu xalay ku hogaamiyay kooxdiisa koobka horyaalada yurub.

Benzema ayaa sheegay in dadku marwalba ay dhahaan “uma qalmo u ciyaarida Real” laakiin wuxuu intaa ku daray inuu kooxdiisa la joogo ilaa 8 sano.

Lacaibka reer France oo la hadlay beIN SPORTS kadib kulankii Sporting Lisbon ayaa yiri:

“Aniga ayeey marwalba iga hadlaan marka aan ku suganahay waqtiga xun, waxay leeyihiin boos ugama banaana kooxda, marwalba sidaas ayeey dhahaan”.

“Xiliciyaareedkii 8-aad ayaan la joogaa Real Madrid, waxaan u ciyaaraa koox wayn waxaanan ka garab ciyaaraa ciyaartoy waa wayn”.

“Wax walba waxay ku xiranyihiin qaab ciyaareedkeyga kadib markii aan ka soo laabtay dhaawaca, waxaan u baahanahay xoogaa waqti ah”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close