Xiriirka kubbada cagta Afrika oo soo saaray 5-ta ku tartameysa laacibka sanadka ee qaarada Madoow

(Africa) 22 Nof 2016. Xiriirka kubbada cagta Afrika ee marka la soo gaabiyo loo yaqaano (CAF) ayaa soo saaray 5-ta laacib ee isugu soo haray abaal marinta laacibka ugu fiican sanadka ee qaarada Madoow.

Waxaa laga soo tagay xiddigo waa wayn sida Kelechi Iheanacho, Ahmed Musa iyo John Obi Mikel.

5-ta ku tatameysa abaal marinta laacibka ugu fiican Africa ee 2016 ayaa kala ah.

cx3b-xlxgaa2k98

Pierre-Emerick Aubameyang of Gabon and Borrusia Dortmund.

Riyad Mahrez Algeria iyo Leicester.

Sadio Mane Senegal iyo Liverpool.

Mohamed Salah Egypt iyo Roma.

Islam Slimani  Algeria iyo Leicester.

Halka 5-ta laacib ee iyana u sharaxan abaal marinta laaacibka sanadka 2016 ee xiddigaha Africa ee ka ciyaarta isla qaarada Afrika ay kala yihiin.

Khama Billiat Mamelodi Sundowns iyo Zimbabwe.

Keegan Dolly Mamelodi Sundowns iyo South Africa.

Rainford Kalaba  TP Mazembe iyo Zambia.

Hlompho Kekana Mamelodi Sundowns iyo South Africa.

Denis Onyango Mamelodi Sundowns iyo Uganda.

Min 5-ta xiddig ee isugu soo baxay abaal marintan ayaa ku soo baxay codod ay ka kala heleen xubno ka tirsan guddiga warbaahinta ee CAF, Guddiga farsamada iyo hormarinta ee CAF iyo 20 xubnood oo ka tirsan khubarada sare ee guddiga.

Guuleystaha laacibka ugu fiican Afrika iyo laacibka ugu fiican Afrika ee ka ciyaara isla qaarada Madoow ayaa lagu dhawaaqi doonaa Khamiista 5-ta Janaayo xaflad ka dhici doonta Abuja ee dalka Nigeria.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close