Mourinho oo sharraxaad ka bixiyey sababta uu safkiisa uga reebo Mkhitaryan

cxjwn_cuuaa_oxe

(Manchester) 22 Nof 2016. Ma aha markii ugu horreeysay ee safka Manchester United laga reebo Henrikh Mkhitaryan.

Laacibka oo laga soo iibsaday Borussia Dortmund kaddib olole heer sare ahaa kol hore ayaa la filayey in uu 11-ka kowaad joogto ka ahaado.

Henrikh Mkhitaryan kaliya kulan ayuu ku soo bilowday Premier League laakiin sababta waxaa sharraxaad ka bixiyey Jose Mourinho.

“Waxaan u sheegay,’ ‘Kulankan Arsenal ma aha kagii, ma qabo in aad u baahan tahay 10 ila iyo 20 daqiiqo oo aad keydka ka soo kacdo, waxa ay ila tahay in aad u baahan tahay in aad ama ku soo bilaabato ama aad so gasho qeybta labaad,’ ayuu yiri Mourinho.

“Waxa uu u baahan yahay cadaadis yar iyo xaalad fiican si uu tayadiisa u muujiyo.”

Mkhitaryan wuu dheeli doonaa Feyenoord

Mourinho waxa uu sheegay in uu Mkhitaryan ka soo muuqan doono kulanka khamiista ee Feyenoord.

“Haa (Xaaladdiisa wey soo dhawaatay),’ ayuu yiri Mourinho. “Waxaan u sheegay manta in uu qeyb ka ahaan doono kulanka Feyenoord. Wuu isku dayayaa. Caadiyan ma faraxsana laakiin jahwareerkiisa qaab fiican ayuu u badalayaa, taas oo ah in uu afkiisa ka adkaaday oo uu qabanayo shaqo adag .”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close