Haddii aad aragtay Cristiano oo Ferrari wata mar buu Shiid ahaa oo uu Cagta maali jiray (Daawo Noloshiisii hore)

vti

(Madrid), 22 Nof 2016 – Xidigga caanka ah ee Real Madrid iyo Portugal Cristiano Ronaldo oo haatan ganacsi ballaarna ka sameeyay ciyaarta Kubadda Cagta isla markaana ka mid ah ragga hantida faraha badan ka soo gasho sanad walba ayaa waxaa haatan la soo bandhigay filim laga duubay xilligii uu u ciyaarayay kooxda Sporting Clube ee Lisbon isagoo 16 jir ahaa.

Filimkan Dukuminteriga ah ayaa waxaa duubay Kanaalka ‘Sport TV’ sanadkii 2001, waqtigaas oo uu Cristiano ahaa wiil da’yar oo ku nool nolol iska dabacsan, isagoo inta badan Lugeyn jiray maadama uusan lahayn baabuur uu ku socdo isla markaana qol wadaag la ahaa ciyaartoyda kale ee ay isku naadiga ahaayeen.

Sida ka muuqata Video-gan hoose Ronaldo oo haatan 31 jir ah ayaa waxaad arkaysaa xilligaasi isagoo jaranaya tikidhka tariinka lagu raaco, Raadiyo yarna Music ka dhegeysanaya xilli uu dhalada TV-ga qolka u taallay isaga iyo saaxiibkiina ka daawanayay Diyaaraddihii lagu qarxiyay sarihii Twin Towers-ka Mareykanka ee 911.

Dhinaca kale marka laga soo tago waqtigii Ronaldo uu ciyaar bilowga ahaa waxaa haatan u qabsoomay wax badan, waxaana uu leeyahay Shirkado iyo Hotello Caalami ah, Mutxaf taariikhdiisa oo keliya lagu xardhay, Taalooyin iyo weliba guryo qaali ah, waxaana uu ku socdaa gawaarida noocii ugu qaalisan dunida, sida Ferrari, Porsche, Maserati, Buggati Veyron iwm.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close