Daafaca PSG Serge Aurier oo seegaya kulanka Arsenal kaddib markii loo diiday inuu cagta soo dhigo Ingiriiska

41334

(Paris), 22 Nof  2016  –Daafaca xulka Qaranka Ivory Coast iyo kooxda Paris Saint-Germain ee Faransiiska Serge Aurier ayaa seegi doona Kulanka habeen dambe Emirates Stadium ku dhex mari doona kooxaha Arsenal iyo PSG ee ka tirsan Is aragga qaybta (A) ee UEFA Champions League.

Sababta uu Aurier u seegayo kulankan adag ayaa ah kaddib markii Dowladda Ingiriisku ay u diidday inuu dalkeeda soo galo iyagoo tixraacaya kiiskiisii maxkamadeed ee Bishii September lagu xukumay Aurier 2 sanadood oo xarig ah iyo ganaax lacageed oo 600 Euro ah taas oo uu ku muteystay markii uu suxul ku dhuftay Askari Faransiis ah meel dibadda ka ah goob habeenkii lagu caweeyo oo ku taalla Paris.

PSG ayaa go’aankaasi ka soo baxay maxkamadda Faransiiska waxa ay ka qaadatay racfaan iyagoo sidoo kalena sheegay in ay isla meel dhigeen xukuumadda Ingiriiska arrinta Aurier, xaalkuna caadi ahaa maadaama bishii October loo ogolaaday dal ku galka Ingiriiska.

Kooxda Paris ayaa ku andacoonaysa in Xukuumadda Ingiriisku ay si lama filaan ah u bedeshay mowqifkeeda ka hor kulankooda adag ee Arsenal, isla markaana tani u muuqanayso xushmad darro lagula kacay kooxda Parisien-ka ah.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close