CL- Guruub F: Real Madrid oo guul kasoo gaartay kooxda Sporting CP oo ay booqatay, xilli Borussia Dortmund ay xaaqday Legia Warszawa… + SAWIRRO

(Lisbon) 23 Nof 2016 – Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa guul kasoo gaartay Sporting CP oo ay booqatay , iyadoo dhinaca kale Borussia Dortmund ay xaaqday Legia Warszawa kulan la iska dhaliyey labada dhinac 12-gool.

Real Madrid ayaa goolka la horreysay waxaana qalad lagu galay Ronaldo oo uu dadab ka soo qaaday Luka Modric, uuna baasay Cristiano Ronaldo oo jiray xerada ganaaxa waxaa dhammaystiray kana faa’iidaysatay 29’daqiiqo  Raphael Varane, kulanka ayaana sidaas lagu kala nastay 1-0 ay ku gacan sarreysay Real Madrid.

Qeybtii labaad ee ciyaarta 58’daqiiqo waxaa garoonka dhaawac uga baxay xiddiga Real Madrid ee Gareth Bale, waxaana lagu bedelay Marco Asensio oo ciyaarta soo galay.

Joao Pereira oo ka tirsan Sporting CP ayaa 64’daqiiqo garoonka laga saaray markii la tusay kaarka cas, laakiin taasi kama hor’istaagin inay barbaraystaan Real Madrid kulankan.

Sporting CP ayaana la timid goolka barbaraha waxaana 80’daqiiqo rigoore u dhaliyey Adrien Silva, markii laacibka kooxda Real Madrid ee Fabio Coentrao uu kubadda gacanta ku taabtay isagoo ku jira xerada ganaaxa, kulanka ayaana sidaas ku noqday barbaro 1-1.

Kooxda Real Madrid ayaa la timid goolka ay guusha ku qaadatay waxaana 87’daqiiqo u dhaliyey Karim Benzema oo kulanka bedel ku soo galay, kaddib karoos miisaaman oo uu ka helay kabtanka Real Madrid ee Sergio Ramos, ciyaarta ayaana ku soo dhammaatay 2-1 ay guul ku soo gaartay Los Blancos.

Real Madrid ayaa sidaas ku gashay kaalinta labaad ee guruubkeeda (F) ee Champions League waxaana ay leedahay 11-dhibcood taasoo horseed u noqotay inay Real Madrid u soo baxdo wareegga 16-ka Champions League, halka Borussia Dortmund ay guruubkan hoggaaminayso taasoo leh 13-dhibcood.

Dhinaca kale Borussia Dortmund ayaa 8-4 ku dharbaaxday Legia Warszawa kulan la iska dhaliyey 12-gool, sidaas ayeyna hoggaanka ugu qabatay guruubkan F.

Kala sarreynta guruubkan F ayaa ah sidan:-

f

SAWIRRO:

cx5akprweaaswpu

cx5kigfxgaawtaq

cx5lx7uxaaasyeh

cx5afntxeaer_bi

cx5bc6sxaaiayny

cx5dovuxeaafxbf

cx5dpjzwqaaucd0

cx5dqsfxuaa-0vj

cx5drriweaagepi

cx5mbzsw8aajuel

cx5mcvuxeaaktuq

cx5mee0weaab36p

cx5mftewiaah_ga

cx5uufuwgaalqzk

cx5ytzbwiaebbji

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close