CL- Group H: Kooxda Juventus oo guul ka soo gaartay Sevilla, una soo baxay wareegga 16-ka koobka horyallada Yurub… + SAWIRRO

(Seville) 23 Nof 2016 – Kooxda Juventus ee waddanka talyaaniga ayaa guul ka gaartay Sevilla oo ay marti u ahayd kulan ka tirsan guruubka H ee koobka horyallada Yurub, waxaana ay sidaas ugu soo baxday wareegga 16-ka Champions League.

Sevilla ayaa goolka la horreysay waxaana 9’daqiiqo bilowgii ciyaarta ugu shubay Juventus xiddiga Nicolas Pareja, laakiin dhibaato ayey la kulantay Sevilla, kaddib markii uu qeybta hore kaarka cas ka qaatay 36’daqiiqo xiddigooda Franco Vazquez markii ay isku raaceen labo kaar oo kuwa digniinta ah, sidaas ayaana garoonka looga saaray.

Dhammaadkii qeybtii hore ee ciyaarta kooxda Juventus ayaa iska soo guday goolka lagu hoggaaminayey waxaana gool ku laad (rigoore) u dhaliyey Claudio Marchisio, kaddib markii uu Gabriel Mercado oo ka tirsan Sevilla uu maaliyadda ka jiiday Leonardo Bonucci, iyagoo ku wada jira xerada ganaaxa, kulanka ayaana lagu kala maray barbaro 1-1.

Qeybtii labaad ee kulanka markii dib la isugu soo laabtay Leonardo Bonucci iyo Mario Mandzukic labo goo loo ay u dhaliyeen dhammaadkii ciyaarta ayey Juventus kaga soo adkaatay Sevilla.

Dhinaca kale Lyon ay gool madi ah ku martay Dinamo Zagreb oo ay marti u ahayd kulan isna ka tirsan guruubkan H ee Champions League.

Juventus ayaa haatan hoggaanka u haysta guruubkan H waxaana ay leedahay 11-dhibcood, halka kooxda kaalinta labaad ku jirta ay tahay Sevilla taasoo leh 10-dhibcood.

h

SAWIRRO:

cx5bp9gxcaad9mw

cx5mhhhwiaab61b

cx5uarnwiaaycc8

cx5vp-qw8ai5vga

cx5vvhsxaaazrad

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close