Capello; “Ronaldo Hanad uma ahan sida Messi balse isaga ayaa u qalma Kubadda Dahabka Sanadkan”

fifa-ballon-dor-gala-2014

(Madrid), 22 Nof  2016   –Tababarihii hore ee kooxda Real Madrid ee Waddanka Spain Fabio Capello ayaa aaminsan in Weeraryahanka Real Madrid Cristiano Ronaldo uu u qalmo ku guuleysiga Abaalmarinta Kubadda Dahabka ah ee sanadkan, waloow uu sheegay inuusan Hanad u ahayn sida Lionel Messi oo kale.

Cristiano iyo Messi ayaa ugu cad cad ragga ku tartamaya abaalmarinta Ballon d’Or 2016 ee ay bixin doonto jariidadda France Football oo xiriir la leh FIFA, waxaana xidigga Kubadda Dahabka ku guuleysta lagu dhawaaqi doonaa 13 bisha dambe ee December.

Tababare Capello oo la hadlayay Fox Italia ayaa waxa uu yiri “Cristiano Ronaldo ayaa u qalma Kubadda Dahabka sanadkan, inkastoo uusan Hanad u ahayn sida Messi haddana waa ciyaartooy fiican”.

“Waa xidigga ugu fiican Real Madrid iyo Bortuqiiska Koobab dhowr ah ayuuna sanadkan ku guuleystay, waxa uu dhaliyay goolal fara badan”.

Macallinka Talyaaniga ah ee 70 jirka ah waxa uu intaa ku daray “Cristiano ma ahan Hanad sida Messi, laakiin waa ciyaartooy wanaagsan, anigu waxaan door bidayaa Messi, balse Laacibkan Bortuqiiska ah ayaa u qalma Ballon d’Or sanadkan”.

Haddii CR7  uu ku guuleysto Kubadda Dahabka sanadkan waxay noqonaysaa markii 4′ ee uu gacanta ku dhigo.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close