Cabdicasiis Catoosh oo guul kula furtay horyaalka Soomaaliya kooxdiisa cusub ee Dekadda

dekadda

(Muqdisho) 22 Nof 2016. Xiddigii Jeenyo Cabdicasiis Catoosh ayaa guul kula furtay horyaalka Soomaaliya ee xilli ciyaareedkan kooxdiisa cusub ee Dekadda kaddib markii ay 2-1 ku mareen kooxda Bariga Dhexe.

Qeytii hore ee Dheeshan ayaa lagu kala nastay 0-0.


Markii la isku soo laabtay qeybta labaad ee ciyaarta Dekadda ayaa dhalisay labo gool oo qurux badan oo waxaa u kala saxiixay Cabaas oo dhaliyay kubbad laad kulul ah halka Robert Onyaanga uu dhaliyay kubbad laadka xorta ahayd ama free kick.

Bariga Dhex ayaa gool iska soo guday oo waxaa Free Kick u dhaliyay Xasan Suarez balse nasiib darro way awoodi waysay inay gool kale keento oo waxaa sidaa 2-1 ku adkaatay kooxda Dekadda oo guul ku furatay horyaalka Soomaaliya ee xilli ciyaareedka cusub.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close