“Waan ku necbahay ayuu igu yiri Antoine Griezmann.”. Cristiano Ronaldo oo daaha ka rogay sheeko yaab leh

crr

(Madrid) 21 Nof 2016. Cristiano Ronaldo ayaa daaha ka rogay sheeko yaab leh oo dhex martay isaga iyo weeraryahanka Atletico Madrid iyo xulka Faransiiska Antoine Griezmann.

Ronaldo ayaa ku garaacay Griezmann final-ka Champions League iyo Euro 2016, maadaama ay Real Madrid koobka dhaga waynaha ka qaaday kooxda Atletico Madrid isla markaana uu xulka Portugal koobka Euro ka xayuubsaday Faransiiska.

Image result for antoine griezmann hates Ronaldo

Kabtanka xulka Portugal ayaa ka sheekeeyay waxa kala qabsaday xiddiga reer France mar ay ku kulmeen meel maqaaxi ah.

“Waa wax maad leh,” Ronaldo ayaa sidaa u sheegay France Football.

“Maxaa yeelay wax yar kaddib Final-ka Euro, kolkaa aan fasax ku joogay Miami, Antoine Griezmann ayaan kula kulmay maqaaxi halkaa uu casho kula qaadanayay gabadha u doonan.

“Wuxuu yimid miiskeyga wuxuuna igu yiri isagoo dhoolo cadeyn khiyaamo ah sameynaya, “Waan ku necbahay.”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close