RASMI: Gervinho oo seegi doona koobka qaramada qaarada Afrika

(Yamoussoukro) 21 Nov 2016 Kabtanka xulka qaranka Ivory Coast ee Gervinho ayaa la xaqiijiyay inuu si rasmi ah u seegi doono koobka qaramada qaarada Afrika ee la qaban doono 2017.

Gervinho ayaa maray qaliin lagu guulaystay oo dhanka jilibka ah kadib dhaawac ka soo gaaray tababarka kooxdiisa Hebei Fortune bishii hore.

“Qaliinka waa lagu guulaystay laakiin soo kabashadiisu waxay noqon doontaa mid u dhexeysa afar ilaa lix bilood” ayaa lagu yiri war ka soo baxay xiriirka kubadda cagta ee Ivory Coast.

Gervinho

Xulkaan ayaa doonaya inuu difaacdo koobka qaramada qaarada Afrika oo ay hanteen 2015, waxaana 2017 lagu qaban doonaa dalka Gabon.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close