Gareth Bale oo ku guuleystay Goolkii Isbuuca ee Champions League (Bale 1 Ozil 0)

39fed9b400000578-0-image-a-2_1478118663743

(Zurich), 21 Nof 2016    –Laacibka kooxda Real Madrid ee Waddanka Spain Gareth Bale ayaa ku guuleystay abaalmarinta Goolkii ugu quruxda badnaa toddobaadka ee tartanka Horyaallada Yurub (UEFA Champions League Goal of The Week), waxaana abaalmarintani bixisa Shirkadda Baabuurta ee Nissan.

Bale ayaa goolkan uu ku helay abaalmarintan ka dhaliyay kooxda Legia Warsaw ciyaartii ay 3-3 isla dhaafi waayeen Real Madrid, waxaana goolkan loo aqoonsaday kii ugu deg degta badnaa ee laga dhaliyo Taariikhda Champions League uu Bale dhaliyay ilbiriqsigii 57′ ee bilowgii ciyaarta markaas oo uu darbad raaciyay kubbad uu u soo koroosay Fabio Coentrao.

Dhinaca kale goolkan Bale ayaa ka sare maray goolkii cajiibka ahaa ee uu sida xirfadeysan u dhaliyay Xidigga kooxda Arsenal Mesut Ozil ciyaartii Ludogoretes iyo Arsenal 2-3 ee is aragga qaybaha ee Champions League.

 Gool FM

Goolkii Bale ee uu ka dhaliyay Warsaw

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close