Claudio Ranieri oo aan ka cabsi qabin in kooxdiisu ay u dhacdo heerka hoose

LEICESTER, ENGLAND - JANUARY 18:  Leicester City manager Claudio Ranieri speaks to the media during a press conference at King Power Stadium on January 18, 2016 in Leicester, United Kingdom.  (Photo by Plumb Images/Leicester City FC via Getty Images)

(Leicester) 21 Nov 2016 Tababaraha kooxda Leicester City ee Claudio Ranieri ayaa muujiyay inuusan wax baqdin ah ka qabin in kooxdiisu ay u dhacdo heerka labaad xiliciyaareed kan.

Leicester City ayaa ku bilaabatay xiliciyaareed kaan qaab liita horyaalka ingiriiska kadib markii ay hanteen xiliciyaareed kii hore.

Claudio Ranieri ayaa sheegay in kooxdiisa looga fadhiyo inay fal celin sameeyaan maadama ay seddex boos u jiraan xeyndaabka lagu dhaco.

“Kama walwalsani kooxdayda, xiliciyaareedkii hore gadaasheyda ayaan fiirinayay, xiliciyaareed kaana waa sidii oo kale” ayuu yiri Claudio Ranieri.

“Aad ayaan ugu dhawnahay booska lagu haro, waxaa haboon inaan fal celin samayno, waan filayay inaan culays wajihi doono laakiin waxaan filaayay inaan heli doono dhibco badan”.

“Waa inaan sii wadnaa shaqada, waana inaan ahaanaa hal, sidaan rabnay wax uma socdaan horyaalka”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close