Lix waxyaabood oo laga bartay kulankii maanta dhexmaray kooxaha Jeenyo iyo Gaadiidka ee horyaalka Soomaaliya

jeenyo

 (Muqdisho) 20 Nof 2016 – Kulan aad u xiiso badan ayaa galabta ka dhacay garoonka Banadir Stadium Ex Koonis ee Dagmada C/Casiis.

Ciyaartan ayaa ahayd midii labaad ee laga ciyaaro Horyaalka Dalkeenna Soomaaliya ee 2016/17, waxayna ciyaartan ku soo idlaatay barbaro 2-2 oo ay ku kala tageen kooxaha Jeenyo iyo Gaadiidka.

Haddaba halkaan hoose ka eeg waxyaabihii laga bartay kulankan:-

1- Daa’uud Cabdullaahi Tubaal ayaa maanta dhaliyay goolkiisii Saddexaad ee Taariikhda naadiga Jeenyo, horay waxa uu ugu gool uga soo dhaliyay kooxda Rajo iyo labo gool uu ka dhaliyey kooxdii galabta ee Gaadiidka.

2- Labo ciyaar saddex kaar cas (Roose) waa sheeko waali ah, galabta ayaa garsoore Bashiir Colaad labo roose uu bixiyay, halka kulankii furitaanka ee horyaalka dalka la dhiibay casaankii ugu horreeyay ee fasal ciyaareedkan.

3- Ciyaaryahan Sharkeey ayaa maanta sameyay rikoodh la yaab leh, kaddib markii 5 garab dhaaf (Offside) uu galay intii ciyaarta ay socotay galabta.

4- Kabtankii hore ee kooxda Jeenyo Axmed Tahliil  ayaa iska dhaliyay Gool, waxaana uu noqday xiddigii ugu horreyay ee shabaqiisa dib ugu laabta xilli ciyaareedkan 2016/17.

5- Xiddiga dhawaan galka ah ee reer Nigeria Oliver Ogbonnaya Sunday ayaa galabta waxa uu kooxdiisa Gaadiidka ka caawiyay labo Gool, asagoo mid ka mid ah ku ansixiyey laad xor ah, halka goolkii uu iska  dhaliyey Axmed Tahliil uu sababteyda lahaa gooldhaliyahani.

6- Bedelkii ugu dhaqsiyaha badnaa xilli ciyaareedkan cusub ayaa galabta laga sameeyay kulankii  u dhaxeeyay kooxaha Gaadiidka iyo Jeenyo, waxaana bedelkaas uu ku dhacay gooldhaliyaha dhowaan galka ah ee Wacdi Qaasim, kaa oo ciyaarta qeybteedii hore bedel ku soo galay isagoo lagu badalay Xuseen Yuusuf Dabaaso, isla qeybtii dambe bilowgeediina la bedelay.

Haddaba ciyaartan waxaa garsoorayey Bashiir Colaad, calan wadaha koowaad wuxuu ahaa Saalax, calan hayaha labaad ayaana ahaa Aadan Ciid, halka sarkaalka afaraad uu ahaa Macallin Aadan.

nani

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close