Hazard oo ciyaaray kulankiisii 150-aad iyo Costa oo sii wada qaab ciyaareedkiisa wacan

(London) 20 Nov 2016 Eden Hazard ayaa saftay caawa kulankiisii 15o-aad ee Premier League uu u safto kooxda Chelsea, waxayna 1-0 uga adkaadeen kooxda Middlesbrough oo ay marti u ahaayeen.

Hazard ayaa ku soo biiray kooxda Blues 2012 isaga oo kasoo dhaqaaqay kooxda Lille ee dalka Faransiiska, tan iyo waqtigaas wuxuu u saftay kooxdiisa kulankiisii 150-aad ee horyaalka ingiriiska.

Dhanka kale Diego Costa ayaa sii wada qaab ciyaareedkiisa fiican ee xiliciyaareed kaan uu ku naaloonayo, wuxuuna dhaliyay goolkii guusha ee caawa Chelsea ay ku qabatay hogaanka horyaalka.

Costa ayaa dhaliyay goolkiisii 10-aad ee xiliciyaareed kan horyaalka ingiriiska, Chelsea ayaana gaartay guusheedii 6-aad oo xiriir ah.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close