EPL: Kooxda Chelsea oo guul ka soo gaaray Middlesbrough oo ay marti u ahayd hoggaankana u qabatay horyaalka, xilli Diego Costa oo dheereystay gooldhalinta… + SAWIRRO

(Middlesbrough) 20 Nof 2016 – Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa guul muhiim ah ka soo gaartay Middlesbrough oo ay booqatay kulan ka tirsan horyaalka Premier League, iyadoo Costa uu sii wado gooldhalintiisa hoggaanka gooldhalinta dheereystay.

Chelsea ayaa goolka la horreysay waxaana dhammaadkii qeybtii hore 41’daqiiqo u dhaliyey weeraryahankeeda Diego Costa oo xilli ciyaareed fiican ku jira haatan waxaana uu sidaas ku dhaliyey goolkiisii 10-aad, isagoo hoggaanka u haya gooldhalinta horyaalka Premier league, Blues oo 1-0 ciyaarta ku hoggaaminaysa ayaana la kala nastay qeybta hore.

Markii dib la isugu soo laabtay qeybtii labaad ee ciyaarta ayaa inkastoo la isku helay fursado goolal loo filan karay labada dhinac, haddana kulanka ayaa ku soo dhammaaday 1-0 ay ku adkaatay Blues.

Chelsea oo guulaheeda xiriirka ah iska sii wadata ayaana sidaasi hoggaanka horyaalka Premier League kooxda Liverpool kaga qabtay hal dhibic oo qura, waxaana Blues ay hoggaanka horyaalka ku haysaa 28-dhibcood, halka Reds ay leedahay 27-dhibcood.

SAWIRRO:

cxufq-lwgaexvlv

cxugbcnwiaukkkt

cxugj13xuaa9lk

cxugmo0xuaaxfrx

cxugtkuxeak5bhh

cxuvexkw8aewk80

cxuvijpxeaefa3

cxuvoi-w8aax8gl

cxuvzrzw8aencrf

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close