Arda Turan oo u balan qaaday taageerayaasha Barcelona in xiliciyaareed kaan ay ku guulaysan doonaan dhamaan koobabka

RUMOURS: Liverpool looking at Barcelona's Arda Turan

(Barcelona) 20 Nov 2016 Laacibka reer Turki ee kooxda Barcelona Arda Turan ayaa balan qaad cajiib ah u sameeyay taageerayaasha kooxdiisa xiliciyaareed kan.

Barcelona ayaa xalay barbaro 0-0 lagashay kooxda Malaga taas oo keentay in Real Madrid ay hogaanka ku qabato 4 dhibic ka hor kulankooda.

Arda Turan ayaa u balan qaaday taageerayaasha in kooxdu ay aad isugu diyaarin doonto kulamada soo socda si ay ugu guulaystaan dhamaan koobabka ay ciyaarayaan xiliciyaareed kan.

29 jirkaan oo la hadlay Marca ayaa yiri:

“Laga bilaabo maanta, waxaan bilownay u diyaar garowga kulanka adag ee arbacada aan la ciyaari doono Celtic”.

“Waan sii wadi doonaa shaqada si aan u hagaajino qaab ciyaareed keena, dhamaadka xiliciyaareed kana waan ku guulaysan doonaa dhamaan koobabka, ha noolaato Barcelona”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close