HOR DHAC: Manchester United Vs. Arsenal

Manchester United v Arsenal.jpg

(Manchester) 19 Nof 2016. Manchester United waxa ay soo dhaweyn doontaa Arsenal kulan ka tirsan Premier League.

Labadan naadi ee sida weyn isu xifaaliyaha ayaa midba mida kale isku dayyi doonta in ay dhibcaha ka xoogto.

Wararka labada naadi

-Ander Herrera  ayaa ku soo laabanaya safka United kaddib uu seegay kulankii Swansea ganaax awgiis, laakiin  Manchester United waxaa ka maqnaan doona Zlatan Ibrahimovic kaddib markii uu qaatay kaarkii shanaad oo huruudi ah.

-Weyne Rooney waxa uu kala soo laabtay England dhaawac jilibka ah taas oo ka dhigan in Marcus Rashford  ama Martial ay duullaanka qaabilsanaan doonaan.

-Jose Mourinho waxaa ka maqan Eric Baily, Antonio Valencia iyo Chris Smalling.

-Weyne Rooney marka laga yimaado in uu dhaawac uga soo laabtay England kulamadii qaramada, hadama waan taam ayaa la leeyahay.

-Arsenal waxaa ka maqan Hector Bellarin.

-Alexis Sanchez shaki ayaa ku jira walow uu goolal u dhaliyey xulkiisa, hadii uu dheelo waayo kulankan waxaa fursad heli doona Olivier Giroud.

-Cazorla, Per Mertesacker, Danny Welbeck, Chuba Akpom  iyo Lucas Perez dhammaan wey maqan yihiin.

f4e25a98a487471aa7591e863dbea396

RAAD RAAC:

-Labadan dhinac waxa ay kulmeen 223 kulan.

-Manchester United waxa ay badisay 94 kulan

-Arsenal waxa ay badisay 80 kulan

-Waxa ay isku garab dheceen 49 kulan

-265 maalin ayaa laga jogaa kulankii uu Marcus Rashford labada gool ka dhaliyey

 

Kulamadii ugu xiisaha badnaa ee labadan dhinac dheelen:

-Manchester United 8-2 Arsenal (2011)

-2002 oo ay Arsenal ku xaqiijisay Premier League gegida Old Trafford.

Kooxaha ay isugu araga badan yihiin United.

-Arsenal 223 kulan

-Liverpool 187 kulan

-Everton 193 kulan

XIDDIGAHA LABADA NAADI EE KULANKAN

lineup-1453 lineup-1454

Manchester United : De Gea, Romero, Blind, Jones, Darmian, Fosu-Mensah, Rojo, Shaw, Carrick, Fellaini, Herrera, Mkhitaryan, Lingard, Mata, Pogba, Schneiderlin, Young, Depay, Martial, Rashford, Rooney

Arsenal: Cech, Ospina, Debuchy, Jenkinson, Holding, Gabriel, Koscielny, Mustafi, Gibbs, Monreal, Maitland-Niles, Elneny, Coquelin, Ramsey, Xhaka, Oxlade-Chamberlain, Ozil, Walcott, Reine-Adelaide, Iwobi, Sanchez, Akpom, Giroud.

Gegida: Old Trafford

Saacadda Geeska Africa: 3:30Pm

Dhex dhexaadiyaha: Andre Marriner

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close