XOG: Weyne Rooney oo laga dhigi doono calamadda kabtannimo

wayne-rooney-manchester-united-rooney_3450000

(London) 18 Nof 2016. Kabtanka Manchester United ayaa wajahaya halis looga xayuubinayo calaamada hogaaminimo ee xulkiisa, sidaas waxa qortay The Sun.

31 jirka waxaa ka sawiray isaga oo jooga goob aroos kulankii ay xulkiisa 3-0 uga badiyeen Scotland toddobaadkii tegay.

Waxaa la sheegay in tababbaraha Englabd Gareth Southgate in uu ku amray qoladii joogtay xafladaas oo ay ku jireen shaqaalaha xulka in ay isaga tagaan meesha balse dhag jalaq looma siin.

Rooney ayaa la sheegay in uu goobta joogay ilaa iyo 5am, marka laga yimaado in uu raaligalin bixiyey hadana waxa uu Qatar ugu jira in uu waayo calaamada kabtannimo.

Southgate oo afar kulan hogaamiyey xulka isaga oo ah KMG ayaa la filayaa in si rasmi ah jagada loogu wareejiyo.

Is bedelo ayaa laga sameyn doona maamulkaas cusub taas oo dhibane ma dhigi karta Rooney.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close