XOG: Chelsea oo diradda saaratay xariif takhasus u leh darbooyinka xorta ah

(London) 18 Nof 2016. Laacibka khadka dhexe ee Bayer Liverkusen Hakan Calhanoglu ayaa  la sheegay in uu noqday bartilmaameed kooxda Chelsea ah.

Bilowgi toddobaadkan waxaa la sheegayey in Inte Milan ay £25m ku dooneysay Oscar, sheeko la qabo in ay tahay mid qancin doonta Antonio Conte.

Sida lagu qoray warsidaha ku soo baxa afka Turkiga HaberTurk, Chelsea waxa ay durba calaamad satay Calhanoglu si uu badal ugu noqdo Brazilian-ka.

Calhanoglu waxa uu iminka fure u yahay kooxda reer Bundesliga  isaga oo 3 gool u dhaliyey 12 kulan oo uu u saftay.

Blues waxa ay ku heli karta xiddiga aduun dhan £17m.

hakancalhanoglu

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close