SAWIRRO XUL AH: Horyaalka Soomaaliya oo galabta furmay xilli Elman ay guul gaartay

(Muqdisho) 18 Nof 2016. Garoonka Banaadir ee magaalada Muqdisho waxaa galabta ka furmay horyaalka heerka koowaad ee dalkeena Soomaaliya, kaasoo ay ka qeyb qaadanayaan 10- kooxood
Ugu horreyn waxaa furitaanka tartanka ka hadlay Madaxweynaha xiriirka kubadda cagta Soomaaliya C/qani Saciid Carab waxa uuna madasha ka sheegay in ay sharaf wayn u tahay in ay maanta furaan horyaalka Soomaaliya,waxa uuna C/qani ugu dambeyn furay horyaalka 2016-2017.
kullankii furitaanka waxaa wada ciyaaray kooxaha Heegan iyo Elman oo si weyn u xifaaltama, waxaan qeybtii hore ciyaarta lagu kala nastay 1-0 oo ay ku hoggaamineyso Elman, waxaana goolka u dhaliyay daafaca jooga dheer ee Shiine Afgooye.
Markii dib la isugu soo laabtay qeybtii labaad ee ciyaarta kooxda Heegan ayaa isku deyday in ay bar bareyso goolka balse ma aysan noqon oo waxaa kaarka cas ka qaatay kabtankooda Jabriil Xasan Fariid qeybihii dambe ee kullanka.
Ciyaarta oo gaba gabo ku dhaw ayaa Heegan waxaa quusiyay xiddiga garabka weerarka ee Shakuur Aala, isagoo dhaliyay goolkii labaad ee kullanka, waxaana ciyaarta ay kusoo dhamaatay 2-0 oo loogu badiyay Heegan.
Gool FM ayaa xiddiga garoonka u aqoonsatay ciyaaryahanka kooxda Elman ee Shakuur Aala, kaasoo si weyn ugu dhex muuqday ciyaarta.
Sikastaba Elman ayaa galabta waxaa u ciyaarayay afar xiddig oo ajinabi ah, waxaana guusha galabta ay ka dhigtay in hoggaanka ay qabtaan.
SAWIR QAADE: C/Fitaax Nani
Gool FM