RASMI: Sino Europe Sport oo shaacisay maalinta la saxiixayo heshiiska iibka AC Milan

(Beijing) 18 Nof 2016 – Sino Europe Sport, oo ah dallada ay ku midaysan yihiin sharikaadka iibsanaya AC Milan, ayaa xaqiijisay in saxiixa rasmiga ah ee iibka Milan uu dhacayo 13-ka bisha soo aaddan ee Diseembar.

Kooxda Rossoneri ayaa ku wareegaysa milkiyadda sharikaad Chinese ah oo heshiis hordhac ah la galay 5-tii bishii Agoosto, waxaana horay loo ogaa inuu 2-da iyo 13-ka Diseembar uu dhacayo kulan ay yeelanayaan saamileeyda kooxda oo ay ugu wayn tahay Fininvest.

Haatan Sino Europe Sport ayaa soo saartay war ay ku sheegayso in heshiiska kama dambaynta ah lakala saxiixan doono 13-ka bisha soo aaddan ee Diseembar.

Waxay SES sidoo kale horay u xaqiijisay in magacyada aan weli la aqoonin ee sharikaadka isla xilligaa la shaacin doono.

 b

Gool FM


 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close