Horyaalka heerka koowaad ee Soomaaliya oo galabta furmaya

(Muqdisho) 18 Nof 2016. Waxaa lagu wadaa galabta in uu furmo horyaalka heerka koowaad ee Soomaaliya 2016-2017, kaasoo ay ka qeyb qaadanayaan 10 kooxood oo xiriirka u diiwaan gashan.

Kulllanka furitaanka ayaa waxaa wada yeelan doono kooxaha sida weyn u xifaaltama ee Heegan iyo Elman, sida ku xusan jadwalka kasoo baxay xiriirka (SFF).

Horyaalka Soomaaliya ayaa sanadkaan ka xiiso badan sanadihii hore, mahadaama dhammaan kooxaha ay dib u dhis ballaaran isku sameeyeen.

Elman ayaa qorsheyneysa  in ay kasoo kabsato natiijooyinkii xumaa ay lasoo kullantay labadii sanno ee lasoo dhaafay, iyadoo dooneysa in safka hore ay ka noqoto horyaalka.

Kullankii ugu dambeeyay ay wada ciyaareen labadaan kooxood ayaa kusoo dhammaaday baro baro 0-0, waana ciyaar dhacday 06 Oktoobar 2016-ka.

Heegan ayaa kaalinta afaraad kasoo gashay horyaalkii soo dhammaaday, halka Elman ay ku dhameysatay booska toddobaad.

Sikastaba kullanka galabta ayaa ah mid aad u xiiso badan, waxaana koox kaste ay dooneysaa in ay guul gaarto.

c-1

Gool FM 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close