DERBY DELLA MADONNINA: Derby Milano oo soo ceshanaya xiisihii caalamiga ahaa (Maxaa soo kordhay?)

(Milano) 18 Nof 2016 – Wax ka badan 48 saacadood ayaa weli ka harsan kulanka Derby della Madonnina ee AC Milan vs Inter Milan, balse waxaa durba gadmay in ka badan 77 kun oo kursi oo ah garoonka San Siro, halka lacagta kasoo xaroonaysa tigidhadu ay dhaaftay € 3.7 milyan oo euro, waana lacag rikoodh ah oo xitaa ka badan middii isla dhankaa laga helay kulankii Milan vs Juventus ee 22-kii Oktoobar.

Taageerayaasha Rossoneri ayaa iyaguna beryahan bilaabay inay taageero intii hore ka badan kooxdooda u muujiyaan, waxaana middaa laga gartay kulankii shalay ku qabsoomay xarunta kooxda ee Casa Milan ee Meet & Greet.

Dhanka kale, kulanka Milan-Inter ayaa dib usoo ceshanaya xiisihiisii caalamiga ahaa ee hoos u dhacay sanadihii dambe, waxaana kulankan caalamka ka daawan doona dad lagu qiyaasay 643,165,764 oo TV-yada kala soconaya, halka ay garoonka San Siro iman doonaan 250 weriye oo caalami ah iyo in ka badan 100 sawir qaade, iyadoo ay saxaafadda Talyaanigu ku tilmaantay Derby caalami ah.

Derby Milan ayaa weligii ka mid ahaa derby-yada ugu xiisaha badan caalamka, wuxuuse sanadihii dambe caalamiyan noqday mid aan heerkii hore joogin, waloow uusan marna hoos u dhicin maxalli ahaan.

b

Gool FM


 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close