Daafacii hore ee Dekedda Mustaf Cali oo ku biiray kooxda Jeenyo

(Muqdisho) 18 Nof 2016. Daaficii hore kooxda Dekedda  Mustaf Cali Ibraahim ayaa ku biiray kooxda ka dhisan degmada Warta Nabadda ee Jeenyo

Xiddigaan ayaa sanadkii lasoo dhaafay ka tirsanaa kooxda Dekedda, waxa uuna Gool FM u sheegay in uu ku biiray Jeenyo United.

 “ Aad ayaan ugu faraxsanahay in aan ku biiro kooxda Jeenyo, waayo waa naadi weyn waxaana rajeynayaa in waqti fiican aan ku qaato ayuu yiri Mustaf.

Mustaf Cali  ayaa ah xiddig loo adeegsan karro afarta dambe ee daafaca, waxaana lagu xasuustaa in heerka labaad uu ka badbaadiyay kooxda Horseed sanad ciyaareedkii 2014-2015-ka.

Sikastaba xiddigan ayaa qallinka ku duugay heshiis laba sanno ah, waxaana imaatinkiisa uu kusoo beegmayaa  xilli dhawaan uu kooxda ka tagay Aadan Gabyoow.

14642510_1601086060196446_451051347651896681_n

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close