Conte oo meel u riday arinta Oscar..Muxuu ka yiri?

unkown-678530(London) 18 Nof 2016. Tababbaraha Chelsea Antonio Conte ayaa sheegay in Oscar uusan meelna u socon iyada oo ay jiraan xan la xiriirineysa Inter.

25 jirka shan kulan oo Premier League ah ayuu ololahan oo dhan ku soo bilowday iyada oo ii ugu dambeeyey aha 16kii Sebtembar.

Hase ahaatee, Conte waxa uu caddeeyey in aayaha Oscar yaal Stamford Bridge.

“Mustaqbalka Oscar Chelsea ayuu yaal waana ciyaaryahan muhiim u ah safkeena. Waa ciyaaryahan wanaagsan annigana wuu ii yahay, wuu joogaya,” ayuu u sheegay wariyeyaasha.

Oscar wali gool uma dhalin Chelsea 9 kulan oo uu dhammaan tartamada matalay.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close