“Wuxuu ahaa xarfaankii na dilay sanadkii la soo dhaafay.”. Arsene Wenger oo qiray inuu ka cabsanayo Marcus Rashford

ras

(London) 17 Nof 2016. Arsene Wenger ayaa qiray inuu ka baqanayo da’yarka Man United ee Marcus Rashford ka hor kulankooda sabtida kaddib markii uu sheegay inuu kala diray kooxdiisa sanadii la soo dhaafay ciyaartii lagu suul daaray Gunners 3-2 oo uu xiddiga reer England dhaliyay labo ka mid ah.

Zlatan Ibrahimovic ayaa ganaax ku seegi doona kulanka sabtida ee Man United iyo Arsenal, Wayne Rooney ayaa isna laga yaabaa in laga reebo kulanka kaddib qamradii uu isku dal dalay mar uu ka qeyb galay xaflad aroos sidaa darteed Rashford ayay u badan tahay in lagu soo bilaabi doono.

Arsene Wenger remains wary of another repeat performance of the youngster

Tababare Arsene Wenger ayaa qiray khatarta inanka yar balse wuxuu sheegay in tayadiisa aan lala yaabi doonin wixii markaan ka dambeeya isla markaana la bartay.

“Xarfaanka na dilay sanadkii hore wuxuu ahaa Rashford.” Wenger ayaa sidaa ka yiri shirkiisa jaraa’id.

“Waxaan daawaday kulankii uu ka hor tagay kooxda reer Danish wuuna dhaliyay, waan arki karay in xarfaankan uu khatar nagu noqon karo.

“Dhaq-dhaqaaqiisu way fiicanaayeen, way xooganeyd sida uu ugu soo dhaqaaqay diilinta ganaaxa, qof kasta wuu ka yaabiyay maxaa yeelay ma jirin qof isaga ku garaneysay Ingiriiska.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close