Shax isku dhaf ah oo laga sameeyay Kooxaha Man United iyo Arsenal ka hor kulankooda Sabtida… (Yaa xiddigaha ugu badan ku leh?)

man-utd-arsenal-combined-xi_1wcnnfo6hkdcs14g94ere3z7g0

(London) 14 Nof 2016 – Kooxaha Manchester United iyo Arsenal ayaa kulan ka tirsan horyaalka Premier League isku qaban doona garoonka Old Trafford Sabtida soo aaddan, waxaana ka hor kulankooda laga sameeyey koox isku dhaf ah.

Pogba & Rashford ayaa ku jira halka Ibrahimovic & Bellerin ay ka maqan yihiin shaxda isku dhafka ah ee ay shabakadda ciyaaraha Goal.com ka samaysay labadan kooxood ka hor kulankooda.

Ibrahimovic ayaa ganaax jaalle yaal ah kaga maqan kooxdiisa kulankan, halka Bellerin uu kulankan ku seegi doono dhaawac Canqowga ah oo ka soo gaaray kulankii Tottenham.

Kooxda Arsenal ayaa 6 ciyaaryahan ku leh, halka Man United ay shaxdan ku leedahay 5 ciyaaryahan.

Haddaba shaxda isku dhafka ee laga sameeyey kulanka Man United iyo Arsenal ayaa ah sidan:-

man-utd-arsenal-combined-xi_1ib12vtipn5051stupd5zdi2fd

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close