Sergio Ramos oo qarka u saaran inuu seego El-Clasico

(Madrid) 17 Nov 2016 Kabtanka kooxda Real Madrid ee Sergio Ramos ayaa qarka u saaran inuu seego kulanka adag ee kooxdiisu ay laciyaari doonto Barcelona.
Dhaqaatiirta Real Madrid ayaa daaha ka qaaday in Sergio Ramos uu ka soo caafimaaday dhaawicii soo gaaray isla markaana uu diyaar u yahay kulanka Derby Madrid.
Laakiin laacibka ayaa wajahaya dhibaato ah inuu ganaax ku seegi karo kulanka adag ee El-Clasico kaas oo ah laba kulan kadib.
Sergio Ramos ayaa lootaagay 4 jaale, wuxuuna hal jaale u jiraa in laganaaxo taas oo halis galinaysa ka soo muuqashadiisa kulanka Barcelona.
Haddii Ramos uu ka fogaado qaadashada Jaale kulanka Atletico isla markaana uu jaale qaato kulanka Sporting Gijon waxay ka dhigantahay inuu seegi doono El-Clasico.
Gool FM