Klopp oo ka hadlay wararka Philippe Coutinho la xiriirinaya Barcelona

(Liverpool) 17 Nov 2016 Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa ka hadlay wararka laacibkiisa Philippe Coutinho la xiriirinaya kooxda Barcelona.

Klopp ayaa sheegay in Philippe Coutinho uu ku faraxsanyahay Liverpool isla markaana mustaqbalkiisu uu yaalo garoonka Anfield maadama uu wali da’yaryahay.

Tababaraha reer Jarmal ayaa intaa ku daray in kooxdiisa laga doonayo inay sameeyaan jawi u ogolaanaya in ciyaartoydu aysan dalban bixitaan.

Liverpool manager Jurgen Klopp (left) and Reds playmaker Philippe Coutinho

“Ra’yigaygu waa inuu wanaag ku dareemayo halkaan, waxaan rajaynaynaa oo aan aaminsanahay in mustaqbalkiisu uu yaalo Liverpool” ayuu yiri Klopp.

“Dhamaan waxay hilmaansanyihiin in Coutinho uu wali da’yaryahay, waa 24 jir, wali wuxuu haystaa fursad uu hormar ku samayn karo”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close