Guardiola oo la xiriiray Wakiillada Daafaca PSG ee Serge Aurier

serge-aurier-psg

(Paris), 17 Nof  2016   –Tababaraha kooxda Manchester City ee Ingiriiska Pep Guardiola ayaa la xiriiray Wakiillada Daafaca Midig dambe ee kooxda Paris Saint-Germain ee Faransiiska Serge Aurier sida ay xaqiijisay Canal + iyadoo xidiggani ay ku loollamayaan labada Manchester.

Guardiola ayaa aad ugu dadaalaya sidii uu Daafaca kooxdiisa u hagaajin lahaa isagoo qaba in Aurier uu beddeli karo midkood Sagna ama Papblo Zabaleta waxaana wararka Faransiiska laga helayo ay sheegayaan in ay suurto gal tahay in Daafaca Ivory Coast uu  ka tago kooxda PSG.

Laakiin City ayaa loollan kulul la geli doonta kooxda ay deriska yihiin ee Man United oo iyadu rag soo indha indheeya u dirsatay Daafacan kulankii Ivory Coast ay 0-0 la galeen Faransiiska Talaadadii.

Dhinaca kale labadan kooxood oo keliya ma ahan naadiyada xiiseynaya Aurier ee sidoo kale waxaa iyagana baahi u qaba kooxaha Napoli, Atletico Madrid iyo Barcelona kuwaasoo mid waliba jeclaan lahayd in ay soo qaadato waloow loollanka ugu adag ee lagula wareegi karo laacibkan uu xilli ciyaareedka dambe u dhexeynayo Pep Guardiola iyo Jose Mourinho.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close