Barcelona oo laba laacib ka doonaysa Bayern Munich

Image result for David Alaba and Joshua Kimmich

(Barcelona) 17 Nov 2016 Kooxda Barcelona ayaa laba laacib oo muhiim ah ka doonaysa dhigeeda Bayern Munich sida ay daabacday  Mundo Deportivo.

Barcelona ayaa ku fikiraysa inay hordhigto dhigeeda Bayern Munich dalab qaali ah oo ay ku doonayaan David Alaba iyo Joshua Kimmich.

Qandaraaska Alaba ee kooxda Bayern Munich ayaa ku eg June 2021 halka Joshua Kimmich uu ku egyahay qandaraaskiisa 2019.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Barcelona ay xiriir la samaysay labada laacib si ay ugu qanciso inay u soo dhaqaaqaan Camp Nou dhamaadka xiliciyaareed kan.

Waxaa xusid mudan in Real Madrid ay ku fashilantay saxiixa David Alaba suuqii xaggaaga markaas oo kooxda Bayern ay dib u soo celisay dalabkooda.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close