Taageerayaasha Real Madrid oo jecel in Morata uu ku soo bilowdo Derby Madrid

(Madrid) 16 Nov 2016 Taageerayaasha kooxda Real Madrid ayaa ka dalbanaya tababare Zidane inuu isbadal ku sameeyo weerarkiisa ka kooban BBC.

Taageerayaasha ayaa dalbanaya in Alvaro Morata lagu badalo booska Karim Benzema kulanka Real Madrid ay u safrayso kooxda ay isku magaalada yihiin ee Atletico Madrid.

AS ayaa samaysay cod uruurin ku aadan weerar yahanka ay jecelyihiin inuu ku soo bilowdo Morata iyo Benzema kulanka Atletico Madrid.

Which of Morata or Benzema will start the derby?

7,155 taageere ayaa u codeeyay in Morata lagu soo bilaabo kulanka Derby Madrid ee sabtiga halka 3,722 ay u codeeyeen in Benzema uu ku soo bilowdo.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close